Kenya: Waxaan ku raad-joogaan rag Alshabaab lala xiriirinayo Afduub ka dhacay Xagar-dheer

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay inay Boliska aqoonsadeen  Afar nin oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab, kuwaasi oo uu sheegay inay baxsadeen muddadii uu socday Hawlgalkii Jimcihii hore  lagu soo furtay Macallimad Kenyaan ah oo laga soo afduubtay Xeradda Qaxootiga ee Xagar-dheer.

Ciiddamo isugu jira Kenyan iyo Somalia ayaa soo badbaadiyey Macallimaddaasi oo lagu magacaabo Judy Mutua, taasi oo lagu haystay Deegaan 15-Km gudaha ugu jira Xuduuka Somalia.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, waxa uu intaasi ku daray inay iskaashi dhow la leeyihiin Maamulka Degmadda Dhoobley, si loo soo qabto ama loo dilo raggaas baxsadka ah, waa sida uu haadalka u dhigay.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in Hawlgalkii Jimcihii la soo dhaafay ay ku dileen mid ka mid ah Kooxihii afduubka geystay, kaasi oo  maydkiisa la dhigay Qeybta Maydadka ee Isbitaalka Degmadda Garissa, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor