Kenya: “Waxaan haynaa lacag uu ka geeriyooday Obama aabihiisa”

Hay’adda  Kenya uigu qaabilsan maamulista hantida dhaqaale ee aan la soo sheeganin (UFAA)  ayaa sheegtay inay weli hayaan lacag uu lahaa Aabaha dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka.

Lacagtaasi oo dhan 55,933 Shillinka Kenya ayaa la sheegtay inay Lacagta Caymiska ee  geerida Obama Aabihiisa, kaasi oo sannadkii 1982-kii ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Kenya.

Madaxweyne Obama oo aabihiisa la oran jirey Xuseen Obama ayaa la sheegay inuu ka tegay 8 carruur oo ay u dhaleen afar xaas oo ay ka mid ahayd hooyada dhashay Barack Obama oo la oran jirey Aan Dunham.

Dhinaca kale, Madaxweyne Barack Obama ayaa lagu wadaa inuu bishan 25-da booqasho ku tago dalka Kenya, waxaana ammaankiisa sugaya 13-kun oo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor