Kenya oo xirtay xadka Soomaaliya ee gobolka Gedo

Sida ay baahiyen qaar kamid ah warbaahinta Kenya,dowlada Kenya ayaa xirtay xadka ay la leedahay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamo badan ayay sido kale Kenya u soo daabushay dhinaca Xadka iyada oo sheegeysa in ammaanka la adkeynayo.

Arinta ayaa sameeyn balaaran ku yeelatay dadkii iyo gawaaridii u kala gudbi jiray labada dhinac,gaar ahaan arday wax ka baran jirtay magaalada Mandheera.

Al Shabab ayaa dhowr weerar xoogan ka geystay dhinaca xadka Kenya ay Soomaaliya la wadaagto.

Sido kale gudaha magaalada Nairobi,gobolka xeebta iyo waqooy Bari ayay weeraro ka fuliyen Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor