Kenya oo xir xirtay Sarakiil Soomaali ah oo Daacish ka tirsanaa

Ciidamada Booliska Kenya ayaa ku sheegay war saxaafadeed ay caawa soo saren iney ka hortagen Weerar culus oo ay qorsheynayen koox xiriir la leh Daacish.

Nin Soomaali ah,Xaaskiisa iyo gabar ay saaxibo ahaayen ayaa la xiray sida war saxaafadeedka.

Magacyada dadkan ayaa lagu sheegay Maxamed cabdi Cali oo dhaqtar ahaa,Xaaskiisa Nuseyba Maxamed Xaaji iyo gabar ay saaxibo ahaayen oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xaanshi.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in ninkan Daacish looga yaqaanay Abu Ramzi Ashami balse weli lama xaqiijin karo.