Kenya oo Xerada Dhadhaab ku tilmaantay meel ay ku tarmaan Alshabaab.

Xiriiriyaha Dowladda Kenya ugu qaabilsan Ammaanka Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Cali Salaax ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu kulan la qaatay Wafdi ka socda Hay’adda UNHCR iyo Midowga Afrika oo booqasho hawleed ku tegay Xeradda Dhadhaab.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Kenya martogelisay in ka badan 350,000 oo Qaxooto Somali ah, kuwaasi oo uu xusay inay muddo 25 sanno ku sugan yihiin gudaha Kenya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in la joogo xilligii Qaxootigaasi lagu celin lahaa dalkooda hooyo, wuxuuna Qaxootiga ku eedeeyey inay qeyb ka yihiin Nabadgelyo-xumida ka jirta Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Xiriiriyaha  Dowladda Kenya ugu qaabilsan Ammaanka Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Cali Salaax waxa kale oo uu tilmaamay in Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab noqotay meel ay Alshabaab ku tarmaan, Lacagaha lagu dhaqo, lagu iibiyo Daroogadda, lagana tahriibiyo Dadka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Alshabaab xeradda Dhadhaab ku siyaariyeen qorshayaashi iay ku weerareen Westage Nairobi iyo Jamaacadda Garissa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxa Wafdiga UNHCR, Ahmeda Baba waxa uu sheegay in Qaxootiga si sharaf ah loogu celinayo dalkooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in daruufo jira awgeed aan haatan lagu celin karin Somalia,

Waxa uu intaasi ku daray in 99% Qaxootiga yihiin dad nugul oo aan lagu celin karin dalkooda hooyo iyo inay gudaha Somalia ka jirto baahi dhinaca Adeegyadda Asaasiga sida Biyaha, Dugsiyadda, Caafimaadka iyo Ammaanka.

DHADHAAB2

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor