Kenya oo waqti cayiman u qabatay in Qaxootiga Soomaalida laga daad gureeyo

Madaxwqeyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay inay muddo saddex bilood u qabteen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, si ay u daad-gureeyaan boqolaalka kun ee Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhab.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Siyaasiyiinta Dowladda Kenya ku eedeeyeen Qaxootiga Soomaalida inay kaalin ka qaateen weerarkii ay Alshabaab dhawaan ka geysteen Jaamacadda Garissa.

Hay’adda UNHCR, ayaa cambaareeysay hadalkaasi, waxayna sheegtay inaysan Qaxootiga wax lug ku lahayn falalka Alshabaab ka geystaan gudaha dalka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor