Kenya oo todobaadkan dhiseysa derbi kala bara Kenya iyo soomaaliya

Xoghayaha arimaha gudaha dowladda Kenya Joseph Nkaissery, ayaa waxaa uu sheegay in todobaadkaan ay bilaabi doonaan dhismaha derbi kala qeybiya xuduuda wadamada Kenya iyo Soomaaliya, si loogu baaqsado ayuu yiri weerarada Al Shabab ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Mr Nkaissery, ayaa waxaa uu hadalkiisa uu sii raaciyay in derbiga uu todobaadkaan dhismihiisa uu ka bilaaban doono, Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, ilaa degaanka Wajeer, taas oo loogu gonleeyahay in lagu dhimo dadka kasoo gudba dhinaca soomaaliya.

Xildhibaanka laga soo doorto Magaalada Mandhera Billow Kerrow, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dhismaha derbiga.

Gudoomiyaha Gobolka Lamu, ee dalka Kenya Issa Timamy, ayaa sheegay in derbigaas uu dowladda ka caawin doono ka hortagida dadka sida sharci darada ugu gudba Kenya.

“waxaa aaminsanahay in qorshahaan dhismaha derbiga uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u hirgalayo, waxaana rajeynayaan in barnaamijkaan uu dhaman doono dhamaadka Sanadkan” ayuu u sheegay Mr Timamy warbaahinta Gobolka Lamu.

Dhawan ayaa ciidanka amaanka Jaziirada Lamu, waxaa ay deeganka Kamboni ay ka qab qabteen dad kasoo gudbay xadka soomaaliya kuwaas oo doonayay in ay si sharci daro ah ay ku galaan Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor