Kenya oo sheegtay inay rag lala xiriirinayo Alshabaab ku qabteen Mandera.

Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax oo khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay 8 nin oo lala xiriirinayo Alshabaab shalay laga soo qabtay  inta u dhexeysa Deegaanadda Kotulo iyo Lafeey, halkaasi oo ay ka socdaan Hawlgalka ay Boliska Kenya ku sugayaan Ammaanka.

Waxa uu intaasi ku daray  in raggaasi loo gudbiyey  Saldhigga Boliska Degmadda Ceel-waaq, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax waxa uu tilmaamay inay raggaasi sharci-darro ku joogeen, isla markaana lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin xubnaha Alshabaab ee weeraradda ka fuliya gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Mas’uulkaasi waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inay Ciiddanka Boliska bedeleen Xeeladihii ay Alshabaab kula dagaalami jireen, maadaama ay Alshabaab beddeleen Xeeladihii hore, waa sida uu hadalka u yiri.

Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax waxa kaloo uu sheegay in Hawlgalka Boliska sii socon doono labada isbuuc ee nagu soo fool leh.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraaan warar madax bannaan oo xaqiijinayo in ragga la  sheegay in lagu qabtay nawaaxiga Mandera ay yihiin xubno ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

 ©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor