Kenya oo sheegtay inay qabteen gaadiid ay ku tuhunsan yihiin inay raashin u wadeen Alshabaab

 

Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fedrick Shisia oo maanta Suxufiyiinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay qabteen 3 gawaarida Xamuulka oo ay leedahay Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaamijka Cuntadda Adduunka ee WFP, kuwaasi oo uu tilmaamay inay Shixnad Raashin ah u wadeen Alshabaabka ku sugan Degmadda Doolow, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in Gaadiidkaasi oo ku sii jeeday Degmadda Dolow kaga shakiyeen inay Cunto iyo Qalab kale oo Loojitiko ah u wadeen Alshabaab.

Fredrick Shisia“Waxaan joojinay gaadiidkii Xamuulka ee WFP ee Transitka ah, sababta oo ay tahay waxaa jira Kulan u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Dadka Deegaanka” ayuu yiri Fedrick Shisia oo intaasi ku daray inaysan doonaynin in Alshabaab loo oggolaado inay dib u raraan Shixnadaha.

Waxa uu tilmaamay inay ka baqanayaan inay Sahayda loo gudbinayo Alshabaab noqdaan kuwo lagu cabsi-geliyo Ammaanka iyo Dadka Reer Kenya.

Waxa uu ku adkeysatay  inay WFP ka doonayaan inay faahfaahin ka bixiyaan qofka uu yahay ninka WFP u soo iibiyey Raashinka, ka hor intaysan Gaadiidkaasi u oggolaanin inay u gudbaan Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fedrick Shisia waxa uu sheegay inay Gaari Afaraad oo u rarnaa WFP, noociisuna ahaa Toyota Land Crusier u oggolaadeen inuu u gudbo Xuduudka Somalia, balse ay xayireen saddex kale, kana shaki qabaan waxa ay wadaan inay Cunto tahay.

Gawaaridaasi la xayiray waxay cabsi ka abuurtay Mandera oo laga baqanayey inay Alshabaab xoog ku qaataan Gaadiidka ay Ciiddanka Kenya ku xayireen xuduudka.

Dhinaca kale, Xafiiska WFP ee magaalladda Nairobi wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan Gaadiidka iyaga u rarnaa ee lagu qabtay Mandera.

WFP TRUCKS IN LIBOY, KENYA

Xigasho: Daily Nation & The Star

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor