Kenya oo sheegtay inay hayaan qorshe lagu weerari doono Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan Kaymaha Boni ee Gobalka Lamu

Taliyaha Ciiddanka Boliska ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Robert Kituur waxa uu sheegay inay hayaan xog ku aadan inay Dagaalamayaal Alshabaab ku sugan yihiin dhulka kaymaha ee Boni Forest ee Gobalka Lamu, isla markaana ay Dowladda Kenya qaadi doonto Tallaabooyin wax looga qabanayo Alshabaabka ku sugan Kaymahaasi.

Robert Kituur waxa kaloo uu sheegay inay Alshabaab beddeleen xeelladihii ay adeegsan lahaayeen. Isla markaana ay bilaabeen inay Ardayda ku qanciyaan inay ku soo biiraan Alshabaab.

Waxa uu  hadalkaasi ka sheegay Shir-sannadeedka Maamulayaasha Dugsiyadda Kenya oo lagu qabtay magaalladda Mombasa, wuxuuna tilmaamay inay Alshabaab beegsanayaan Ardayda dhigata Dugsiyadda Sare si ay ugu biiiraan, wuxuuna ugu baaqay Waalidiinta iyo Macallimiinta inay si hoose ula socdaan dhaqdhaqaaqa Ubadkooda.

“Alshabaab waxay haatan diiradda saareen inay Ardayda dhigta Dugsiyadda Sare ku tashkiiliyaan Xag-jirnimo iyo inay ku soo biiraan” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Boliska ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Kenya ku baraarugsan tahay qorshaha Alshabaab, isla markaana la oggolaan doonin in Ardayda Kenya loo tababaro Xag-jirnimadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Labo isbuuc ka hor ayey ahayd markii ay Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegeen inay inta badan Dhallinyaarradda waqti badan ku bixiyaan Websaytyadda Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan, kana daalacdaan sidii ay ugu biiri lahaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia iyo Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor