Kenya oo sheegtay inay duqeyn doonaan Al-Shabaabka ku sugan Kaymaha Boni 

Rayidka Kenyanka ku nool Kaymahaasi ayaa lagu amray inay muddo 48-saacadood kaga guuraan Kaymaha Boni oo ku teedsan Xeebta dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Milliteriga ayaa lagu sheegay inay bilaabi doonaan Duqeyman xooggan oo la doonayo in Dagaalamayaasha Alshabaab  looga saaro Kaymahaasi.

Amarkaasi waxaa soo saaray Madaxa Hawlgalladda Kaymaha Boni, Joseph Kanyiri oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Mombasa.

Wuxuuna ku booriyey Xoolo-dhaqatada Kenya inay ka fogaadaan Kaym,ahaasi, si aysan waxyeello uga soo gaarin Duqeymaha la qorsheynayo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Digniintan ayaa soo baxday, markii ay Al-shabaab tiro weeraro gaadmo ah la beegsadeen qaar ka mid ah Ciiddanka Kenyanka ee Hawlgalladda ilaaladda ku mara Kaymana Boni oo ku dhow xuduudka Somalia..

Labadii bilood ee la soo dhaafay, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay sheegeen inay ugu yaraan 20 Askar Kenyan ah ku dileen weeraro gaadmo iyo miinooyin lagu aasay Jidadka ay Askarta Kenyanka gaaf-wareegaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media