Kenya oo sheegtay inay dileen Dagaalyahanno caddaan oo ka barbar dagaalamayey Alshabaab

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinet ayaa sheegay inay Ciiddanku dileen 11 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, kadib, markii uu dagaal culus ka dhacay duleedka Xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Baure ee Gobalka Laamu.

Waxa uu sheegay inay baaritaano ku hayaan Labada Dagaalyahan ee caddaanka ah ee la dilay, iyadoo ay wararka qaarkooda sheegayaan inay u dhasheen dalka Britain, halka kuwo kalena ku tilmaameen inay ka soo jeedaan Jejniya.

Taliyaha Boliska Kenya waxa kaloo uu sheegay inay iska horimaadkaasi ku qabsadeen 11-qoryaha AK 47, Hal qoriga PKM, saddex bam, Hal Baasuuke, hal Kameera Video iyo Labo Fooneeye nooca Motorola, waa sida uu hadalka u yiri.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadiisa.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa horey u sheegay inay Bisha Barakaysan ee Ramadaan kordhinayaan Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, isla markaana ay beegsan doonaan goobaha Waxbarashadda iyo goobaha Ganacsiga ee ay lahayn dadka aan Muslimka ahayn.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor