Kenya oo sheegtay inay Dagaalyahanno Alshabaab ku dileen Jubbooyinka.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay Alshabaab saqdii dhexe ku soo qaadi lahaayeen xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Afmadow ee Gobalka J/hoose.

Waxa uu intaasi ku daray inay ugu yaraan 19 ka tirsan Alshabaab ku dileen iska horimaadkaasi, isla markaana ay Alshabaab ka furteen hub fara badan, waa sida uu hadalka u yiri.

“Ciiddankeenna oo ilaalo ku jira ayaa arkay Dagaalyahano Alshabaab, kadibna waxaa dhacay iska horimaad oo aan ku dilnay 19 Alshabaab, kuna gubeen gaari Tekniko ah” ayuu Afhayeenka u sheegay Suxufiyiin uu kula hadlay Nairobi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab ka qabsadeen 10 qoryaha fudud ee AK47 iyo Saddex Baasuuke, mana sheegin khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray Iska horimaadkaasi oo dhacay Abaarihii 1:00 Habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu tilmaamay qorshaha Alshabaab inuu ahaa inay Saldhigga Ciiddanka Kenya ka jaraan Xeradda ay ku jiraan Ciiddanka Qaranka Somalia.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu horreeyey ee Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab dhex mara, tan iyo bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan, xilligaasi oo ay Alshabaab ku durduriyeen Ciiddan Kenyan ah oo ku sugnaa Xero ku taallo Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay Ciiddan badan oo Kenyan ah, inkastoo aan weli si rasmi ahaan loo shaacinin tiradda Askarta Kenyanka ee lagu dilay Ceel-cadde.

Alshabaab, waxay horey u sheegtay inay weerarkaasi ku dileen 100-Askari, isla markaana ay kuwo kale gacanta ku dhigeen.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor