Kenya oo sheegtay inay Ciiddankooda Nabad-ilaalinta kala soo baxayaan dalka Koonfurta Suudaan.

Hadal-qoraal oo ay soo saartay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed ayaa lagu sheegay in go’aankaasi la qaatay, kadib, markii uu Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon xilka ka qaaday Taliye u dhashay Kenya oo madax u ahaa Hawlgalka Ciiddanka QM ee Nabad-ilaalinta u joogta dalka Koonfurta Suudaan (UNMISS,)

johnson-mogoa-kimani-ondiekiTaliyahaasi oo lagu magacaabo Jeneral Johnson Mogoa Kimani Ondieki ayaa la sheegay inuu ku fashilmay in dadka Rayidka iyo Shaqaalaha QM ee ka hawl-gala dalka Koonfurta Suudaan laga badbaadiyo dagaalkii lagu riiqamy ee bishii July ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Jubba.

kdfGo’aanka Kenya ayaa horseedi doonaa inay la baxaan ku-dhawaad kun Askari oo  qeyb ka ahaa Ciiddanka QM ee Nabad-ilaalinta u joogta dalka Koonfurta Suudaan oo tiradooda guud dhan tahay 1,600 Askari.

 ©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor