Kenya oo sheegtay inay burburiyeen Saldhigyo Alshabaab.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charled Owino ayaa sheegay inay labadii bilood ee la soo dhaafay burburiyeen 6 Xero oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab xuduuka, muddadii uu socday Hawlgalka loogu magac daray Linda Boni ee ay Milliteriga Kenya ka wadaan Kaymaha Boni.

Afhayeenka oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay Hay’addaha Ammaanka ka heleen Xerooyinkaasi Hub ay Alshabaab soo qaateen muddadii ay socdeen Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Degmadda Mpeketoni, waa sida uu hadalka u yiri.

“In la burburiyo Xeryahaasi, waxaan u aragnaa guul laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab” ayuu yiri Afhayeenkaasi oo sheegay inay rumeysan yihiin inay Alshabaab Kaymaha Boni u adeegsadaan weerarada ay ka fuliyaan Kenya.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay heleen warar cusub oo dhinaca Sirdoonka oo ku aadan inay Dagaalamayaasha Alshabaab u soo duseen gudah magaallooyinka Mandhera, Garissa iyo Wajeer.

Waxa uu ugu baaqay dadka Kenyaanka inay Ciiddanka ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan dad socoto ah oo dhex marayo Tuullooyinkooda iyo Degmooyinkooda.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor