Kenya oo sheegtay inay burburiyeen gaadiid ay Alshabaab horey uga qabsadeen Ciiddanka Kenya.

Afhayeenka Milliteriga Kenya, David Obonyo ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Diyaaradaha Dagaalka Kenya kordhiyeen duqeymaha ay ka geysanayaan goobaha ay Alshabaab kaga sugan yihiin Nawaaxiga Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Isagoo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star waxa uu tilmaamay in duqeymaha lagu burburiyey Gaadiidka nooca Booyadaha (Tankers) oo horey Askarta Kenya looga qabsaday dagaalkii Ceel-cadde.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in  gaadiidka la gubay iyo shixnadaha hubka ee ay k uqabteen Hawlgalkaasi in loo qaaday Degmadda Mandera.

Diyaaradaha Kenya waaxay kaloo weerareen Deegaanadda Ceel-gaduud iyo Dabley, halkaasi oo lagu tuhunsan yahay inay dhufeysyo ku leeyihiin Alshabaab waa sida uu Wargeysku qoray.

Dadka deegaanka waxay kaloo sheegeen in duqeymahaasi lagu burburiyey hubka lagula dagaalamo Taangiyadda ee “Anti-tank weapons”.

Dhinaca kale, dadka Kenyanka waxay Twitterka si kulul ugu naqdiyeen Farriintii Madaxweyne Uhuru ee uu kaga tacsideyey khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-cadde.

Waxayna hadalka Uhuru ku tilmaameen Hadal aan hadaf lahayn oo kale.

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor