Kenya oo sheegtay inay Beesha Caalamka dhegaha ka fureysteen sidii xal loogu heli lahaa Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa si kulul u beenisay Warbixinta ay qoreen Suxufiyiinta Caddaalad-doonka ee Kenya, kuwaasi oo sheegay inay Ciiddanka Kenya, Alshabaab iyo Maamulka Axmed Madoobe wadaagaan Kharaj laga helo Dhuxusha laga dhoofiyo DEkedda Kismaayo iyo Sonkorta Kontorobaanka ee loo gudbiyo Kenya.

Waxay beenisay dhamaan Warbixinta ugu dambeysay ee lagu shaaciyey Hawlaha dahsoon ee ay Ciiddanka Kenya ka wadaan gudaha Somalia.

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya waxay sheegtay inaysan Ciiddanka Kenya maamulin Dekedda Kismaayo sida lagu eedeeyey, waxayna xustay inay dhowr jeer ka codsadeen Beesha Calaamka in xal loo helo Dhuxusha Kismaayo.

Waxay intaasi ku dartay in Codsiga Dowladda Kenya ku dhaceen dhego dhagool ah, waa sida ay hadalka u tiri.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo Warbixino laga soo saaro Xiriirka Qarsoon ee ay Alshabaab, Ciiddanka Kenya iyo Maamulka Jubba ku qeybsadaan Kharajka laga helo Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Sonkorta Kontorobaanka ee laga gudbiyo Xuduudka Somalia iyo Kenya.

Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran Somalia iyo Eritrea ayaa horey u ifiyey Wada-shaqeynta Ciiddanka Kenya, Maamulka Jubba iyo Alshabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor