Kenya oo sheegtay in gaadiidkii ay Alshabaab qabsadeen loo soo gudbiyey Somalia.

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay ku raad-joogaan gaadiid ay Alshabaab xalay ku soo qabsadeen Hawl ay ka sameeyeen duleedka magaalladda Xeebta leh ee Lamu.

Ciiddanka waxay sheegeen inay Alshabaab la soo baxsadeen Labo gaari oo mid uu Bolisku lahaa, waxayna soo bandhigeen Taarikadda Gaadiidkaasi.

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Francis Wanjohi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee XINHUA in muuqaalo uu soo gudbiyey Dayax-gacmeedka muujinayo in Gaariga Boliska Kenya lahaayeen lagala gudbay Xuduudka Kenya la wadaagaan Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay la xiriireen Ciiddanka Kenya ee Saldhigga ku leh Deegaanadda Manda iyo Kiunga si ay gacan uga geysteen baacsiga gaadiidkaasi.

“Waxaan tuhunsanahay inay Alshabaab kaxeysteen gaadiidkaasi” ayuu yiri Wanjohi.

Bishii la soo dhaafay, Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in la dhacay Taarikooyinka Gaadiidka Diplomaasiyiinta, lagana cabsi qabo inay Alshabaab u adeegsdaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

© Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor