Kenya oo sheegatay inay dileen Taliyihii Alshabaab ee horkacayey Weerarkii Ceel-cadde.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa sheegay inay dileen Taliyihii Alshabaab ee Jimcihii horkacayey Duullaankii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Wargeyska The Standard oo ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxa uu ka soo xigtay Jeneral Samson Mwathethe inuu sheegay in Taliyihii Alshabaab ee Duullaankii Ceel-cadde oo uu magaciisa ku sheegay Maalim Janow ku dileen duqeyn Diyaaradeed weerarkii Ceel-cadde kadib.

Jeneral Samson Mwathethe faahfaahin kale ma bixinin, mana jiraan Warar madax-bannaan oo xaqiijinayo Sheegashadaasi

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay qaabkii uu u dhacay Dagaalka, wuxuuna tilmaamay in Taliska Dhexe ee Milliteriga Kenya ka war heleen Duullaankii Ceel-cadde 2-saacdood kadib, markii ay Alshabaab weerareen Ceel-cadde.

Wuxuuna taasi ku sababeeyey iyadoo ay Alshabaab wada jartay dhamaan Isgaarsiintii Telefoonadda ee Gobalka Gedo, taasi oo adkeysay in ay Ciiddanka si degdeg leh u codsadaan Gurmad.

Taliyaha Ciiddanka Kenya waxa kaloo uu sheegay inay Diyaarad waday Ciiddan Gurmad ah ku adkaatay inay isla maalintii Weerarka ku degto Ceel-cadde, isagoo sheegay inay Alshabaab isticmaaleen Gantaalladda Lidka Diyaaradaha oo u yaallay Dugsi ku yaalla Ceel-cadde, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Iska caabinta dhinaca Lidka Diyaaradaha ku khasabtay inay Ciiddanka Gurmadka Kenya  adeegsadeen gaadiidka dhulka, iyadoo ay 10-saacadood ku qaadatay socdaalkii ay kaga soo ambabaxeen Deegaanka Damasa oo ku-dhawaad 75-KM u jirta Saldhigga Ceel-cadde.

Mar wax laga weydiiyey heerka uu marayo Hawlgalkii Gurmadka, waxa uu tilmaamay inay maanta oo Khamiis ah soo gebagebeyn doonaan Hawlgalkii Gurmadka iyo Badbaadinta ee ay Ciiddanka Kenya ku baadigoobayeen Askarta la la’ yahay.

Taliyaha Ciiddanka Kenya, waxa uu ka gaabsaday inuu sheego Tirada Askarta Kenya looga dilay Weerarkii Ceel-cadde, balse waxa uu sheegay in qaar ka mid ah maydadka si xun u gubteen, loona baahan yahay Baaritaanka Hiddo-sidaha DNA, si loo ogaado haybta Askari kasta.

Ugu dambeyntii, Jeneral Samson Mwathethe waxa uu ku dooday inay Dagaalyahanno Shisheeye ka taageereen Alshabaab qorsheynta Weerarkii iyo Falalkii Is-qarxinta ee lala beegsaday Ciiddanka Kenya ee ku sugnaa Saldhigga Ceel-cadde.

Waxa uu tilmamaay in gaadiidkii miineysnaa ee ay Alshabaab adeegsadeen la mid ahaa qaraxyadii loo adeegsaday Weerarkii Safaaradii Maaryaknak ee Nairobi ee sannadkii 1998-dii iyo Weerarkii bishii July ee sannadkii hore lagu qaaday Hotelka Jazeera Palace ee magaalladda Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor