Kenya oo shaacisay magacyadda dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay Alshabaab u tashkiiliyaan Dhallinyaradda Reer Kenya

Boliska Kenya ayaa sheegay inay hayaan magacyadda dad lala xiriirinayo inay Alshabaab ugu xil saaran yihiin inay u qoraan Dhallinyarradda  Kenyan ee doonaya inay ku biiraan Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab.

Warbixin ay Boliska Kenya soo saareen ayaa lagu sheegay inay kordhayaan Dhallinyaradda Kenya ee ku biirayo Alshabaab iyo Daacish, iyadoo Dhallinyaradda Kenyanka la sheegay inay daalacdaan Websaytyadda Islaamiyiinta hubeysan, si ay ugu biiraan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay jiraan saddex qof oo ka tirsan Alshabaab, oo Dhallinyaradda ku tashkiiliya inay ku soo biiraan Alshabaab, waxayna magacyadooda ku sheegeen: Abdifatah Abubakar Ahmed, Ramadan Xamisi Kufungwa iyo Ahmed Iman Ali.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey shaqooyinka ay saddexdaasi qof u hayaan Alshabaab, waxayna ku eedeeyeen Abdifatah Abubakar Ahmed oo ah Somali ku koray Kenya, haystana Waraaqaha Aqoonsiga Kenya inuu yahay Xiriiriyaha Hawlgalladda Alshabaab iyo inuu ka tirsan yahay Taliyayaasha Jesh Ayman ee ka tirsan Alshabaab, ee fariisinka ku leh gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Dhulka Kaymaha ee Boni Forest.

Boliska waxay kaloo sheegeen inuu Abdifatah Abubakar Ahmed  u masaafuriyeen Somalia sannadkii 2008-dii ku lug leeyahay Dhallinyaradda Kenyaanka ku nool Gobalka Xeebta ee ku biirayo Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warbixinta Boliska Kenya oo lagu baahiyey Warbaahinta dalkaasi ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inay Hay’addaha Ammaanka ku eedeeyaan inuu Abdifatah Abubakar Ahmed ku lug lahaa qorshihii sannadkii 2008-dii ay Alshabaab ku weerareen Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi.

Dhinaca kale, Warbixinta Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inay Arday badan oo Kenyaan ah isaga tageen Waxbarashaddii, kuna biireen Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab iyo Daacish.

Warbixinta oo ay ku lifaaqan yihiin Sawirradda dad la sheegay inay ku biiraan Alshabaab iyo Daacish, oo ay ka mid yihiin Labo gabdho Somal-Kenyan lagu kala magacaabo Toefiiqa Daahir iyo Salwa Cabdalla oo la sheegay inay ku biireen Dagaalamayaasha Daacish ee ka dagaalanta gudaha dalka Syria.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor