Kenya oo shaacisay inay Alshabaab iyo Daacish ka hawlgaan qeybo ka mid ah dalkooda

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Jospeh Boinnet ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab u kala qeybsameen Labo Kooxood , iyadoo qeyb ka mid ah ay ku biireen Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u dhigay.

Joseph Boinnet ayaa hadalkaasi ku sheegay Farriintiisa Kirismaska iyo Sannadka cusub ee Miilaadiyadda ee 2016-ka, wuxuuna tilmaamay in Dagaalamayaasha Alshabaabka taageersan Daacish ka hawlgalaan Deegaanka Lafeey oo u dhow Degmadda Mandheera.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab ee Isbahaysiga la leh Ururka Alqaacida saldhig ku leeyihiin Koonfurta Kenya iyo Kaymaha Boni Forest.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Jospeh Boinnet waxa uu ku dooday inay Xarakadda Alshabaab iyo Kooxda Daacish yihiin Kooxo iska soo horjeeda, isla markaana baahinaya Ajendahooda ku aadan waxa uu ugu yeeray Jihaadka Caalamiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor