Kenya oo Safaarad Cusub ka Furaneysa Magaalada Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, ayaa sheegay in dowladiisa ay safaarad cusub ay ka furaneyso sanadkan Magaalada Muqdisho.
Mr Ruto, ayaa carabka ku dhuftay in door saxaasi ah ay ka qaadan doonaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, iyagoo walina loolan kala dhaxeeyo xarakada Al Shabab ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu yiri “ sida wadamada Africa, waxaa safka hore ka galeynaa caawinta walaalaheena Soomaalida” waxaan u sameyneyna ayaa waxaa ay tahay in aan xoojino xiriirka laba geesoodka ee Ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Waxa uu sidoo kale dowlada Soomaaliya uu ku amaanay sida ay kalsooni ugu qabto ka shaqeynta hormarka, maareynta xaaladaha iyo sida ay uwajaheyso danaheeda gobolka.
Kenya ayaaney waqti dheer dalka dagalada ay hareyeen ee somaliya ku laheyn safaarad, waxaana ay ugu cudur daari jirtay deganaan la’aanta somaliya.
Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyay markii dowlada mareykanka ay u aqoonsatay dowlad rasmi ah waxaa safaarado ka furanayay wadamada dunida ee dowlada soomaaliya saaxiibo la ahaan ka hor inta aaney dhicin dowladii Maxamed Siyad Bare sanadkii 1991.
Dowlada Kenya ayaa waxaa dalkeeda ka geysta weeraro Xarakada Al Shabab, waxaana ciidanka difaca Kenya ay ka mid yihiin howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee lagu taageerayo Dowlada Federalka ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor