Kenya oo qiratay inay Alshabaab waxyeello gaarsiiyeen Dakhligii Dhaqaalaha Kenya.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Kenya, Patrick Njoroge ayaa sheegay inay Dowladda Kenya qaadi doonto Tallaabo lagu badbaadinayo Dhaqaalaha Kenya oo haatan aad u liicayo.

Waxa uu hadalkaasi ku sheegay Shirweyne looga hadlayo Dhaqaaalaha oo ka furmay magaalladda Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika, wuxuuna xusay inay Kenya weli u furan tahay Maalgashiga Shiseeyaha ee dhinaca Bangiyadda.

Patrick Njoroge oo 54-jir ah waxa uu tilmaamay in Dalka Kenya oo ah dalka ugu Dhaqaalaha ballaaran dalalka Bariga Afrika loo baahan yahay in Kormeer lagu hayo Nidaamka Bangiyadda, wuxuuna xusay inuu si KMG u hakiyey in la bixiyo Laysimadda Bangiyadda cusub ee laga furanayo gudaha Kenya.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Kenya, Patrick Njoroge waxa uu ku eedeeyey Dagaalamayaasha Alshabaab inay qeyb ku leeyihiin Hoos-u-dhaca ku yimid Dalxiiska Kenya, kadib, markii ay Alshabaab weeraro fara badan ka geysteen gudaha Kenya.

Waxaa kaloo uu xusay inay Abaaraha sababeen inuu hoos-u-dhaco Wax-soo-saarkii Caleenta Shaaha oo ah Isha ugu weyn ee ay Dowladda  Kenya ka helaan Lacagta Adag.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor