Kenya oo qiratay inay Alshabaab maxaabiis Dagaal u haystaan Tobaneeyo Askar Kenyan ah.

Milliteriga Kenya ayaa bilaabay Hawlgal dhinaca Dhulka iyo Hawada oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Askarta Kenyaanka ee ay Alshabaab ku qabsadeen Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Saldhigga Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Haweeneyda Wasiirka Gaashaandhiga ka ah Kenya, Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Hawlgalka Baadigoobka iyo Samatabixinta yihiin kuwo Khatar ah, isla markaana ay weli khatar ku jiraan Askarta ay Alshabaab ku qabsadeen Dagaalkii Ceel-cadde.

Waxay kaloo sheegtay in ay Alshabaab gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku soo weerareen Xeradaasi oo ay ku jireen Askar Kenyan iyo kuwo Somali ah.

Dhinaca kale, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Wargeyska the Star ee ka soo baxa Nairobi inay Xarakadda Alshabaab gacanta ku dhigeen ugu yaraan 12-Sarkaal oo Kenyaan ah oo ay u haystaan Maxaabiis Dagaal (As Prisoners of War (PoW), halka weli la la’ yahay 15 kale.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor