Kenya oo malaayiin Shillin dul dhigtay Nin ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeynayo dilal ka dhacay Mandera.

Boliska dalka Kenya ayaa ku faafiyey Warbaahinadda ay Bulshaadda ku xiriiraan ee Social Media war ay ku sheegeen inay abaalmarin lacageed o odhan 2 malyan oo Shillinka Kenya dul-dhigeen Nin lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu yahay Maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Mandera kuna dileen 14 shaqaale ka tirsanaa kuwa ka xoogsada Kaawooyinka Dhagaxa.

Weerarkaasi ayaa dhacay bishii July 7-dii ee sannadkii hore, waxayna Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab toogasho ku dileen 14 Shaqaale oo xilligaas hurdayey.

Boliska Kenya waxay tilmaameen inuu Maxamed Dhuubow hubeysan yahay, khatarna yahay, waxayna Boliska Kenya rumeysan yihiin inuu dhawaan ka soo laabtay Somalia, kuna sugan yahay haatan gudaha Kenya.

Bishii Feberaayo 26-dii ee sannadkan, Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay 8 milyan oo Shillinka Kenya dul dhigeen Afar nin oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weeraro lagu qaaday Bas iyo Kaawooyinka Dhagaxa ee magaalladda Mandera.

Boliska waxay magacyadda Ragga la baadi-goobayo ku kala sheegeen C/llaahi Isaaq, Idiris Isaaq, Axmed Aweys iyo Mxaamed Shidane, kuwaasi oo lagu eedeynayo qorshihii lagu weeraray bishii November ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Bas, kuna geeriyoodeen 28 qof iyo dilkii 36 shaqaale ka tirsan kuwa ka shaqeeya Kaawooyinka Dhagaxa ee Mandera.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor