Kenya oo magacowday Xiriiriyaha La-dagaalanka Alshabaab ee W/bari ee dalkaasi

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery  ayaa magacaabay Mas’uul hore uga tirsanaa Maamulka Gobalka W/bari Kenya inuu hoggaamiyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab iyo inuu Sharciga iyo Ammaanka dib ugu soo celiyo Gobalkaasi.

Mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Mohamed Ali Salah ayey Dowladda Kenya ku sheegtay  inuu khibrad u leeyahay sidii loo kontorooli lahaa Dhallinyarradda ku biirayso Xarakadda Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya waxa kaloo uu tilmaamay inuu Mas’uulka cusub mas’uul ka noqonayo Xiriirinta iyo Kormeerka hawlaha Ammaanka iyo Nabadda ee Gobalka W/bari, isagoo si dhow ula shaqeyn doona Hoggaamiyayaasha Gobalka, si dhallinyarrada looga ilaaliyo waxa uu ugu yeeray Xag-jirnimadda iyo inay ku biiraan Alshabaab.

Mas’uulkaasi ayaa mar ahaan jirey  Madaxii Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, ka hor inta aan loo magacaabin Safiirka Kenya u jooga Sacuudiga, isagoo xilkaasi hayey tan iyo sannadkii hore.

Xiriiriyaha cusub  waxaa kaloo loo xil-saaray  inuu joojiyo dagaal-beeleedyadda iyo Badeecadaha Kontorobaanka ee laga soo gudbiyo xuduudka Kenya iyo Somalia wadaagaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor