Kenya oo Loogu Baaqay in Xilka Ay Ka Qaado Gudoomiyaha Mandheera

Iyadoo uu Khilaaf xooggan soo kala dhex galay Madaxda Gobalka W/bari ee Kenya, ayaa waxa lagu baaqay in xilka laga qaado Guddoomiyaha Gobalka Mandheera, Alakis Ole Nakoyo.

Hadal ka soo baxay Guddoomiyaha Magaalladda Mandheera, Ali Rooba ayuu ku sheegay inyy Alakis Ole Naoyo ku fashilmay Hawlaha Ammaanka iyo sidii looga hortegi lahaa weeraradda ay Dagaalamaayaasha Alshabaab ka geystaan Mandhera.

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta soo daabacay Qoraalka uu soo saaray Ali Roba, uguna baaqay Dowladda Kenya in xilka laga qaado Guddoomiyaha Gobalka Mandhera.

Yahay weeraradda Alshabaab ka geystaan Mandhera”

“Aniga si gaar ah dhibaato kuma qabo Alekis Ole, waxaase ku mucaaradsanahay sida uu wax uga qaban la’ yahay weeraradda sii socda oo ay Alshabaab ka geystaan Mandheera” ayuu yiri Ali Robo oo isagu dhowr jeer ka badbaaday weeraro lagu khaarijin lahaa.

 Ma aha markii ugu horreysay oo Dowladda Kenya loogu baaqo in xilka laga qaado Guddoomiyaha Gobalka Mandhera, Alekis Ole.

Maalmo ka hor, Senator Billow Keerow iyo xubno ka tirsan Madaxda Maamulka Mandhera ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Guddoomiyaha Gobalka Mandhera.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor