Qaxooti Somali oo lagu eedeeyey inay dadka Tahriibiyaan oo lagu xiray Xerada Dhadhaab

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay xireen 7 Qaxooti Somali ah oo lagu eedeynayo inay ahaayeen Mukhalasiin dadka tahriibiya, isla markaana ay Qaxootiga u fududeeyaan inay safar ku tagaan magaalladda Nairobi.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in shalay la soo xiray, kadib, markii ay Boliska qaadeen Baaritaano lagu beegsanayo Dhaqdhaqaaqa Sharci-darradda ee ka jira Xeradda Dhadhaab.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamed Saalax ayaa u sheegay Warbaahinta in Eedeysanayaasha la qabtay ahaayeen Mukhalasiin Qaxootiga Dukumentiyo ugu samayn jireen magaalladda Nairobi, si ay u dhoofaan dalalka Europe iyo Kanada, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu Eedeysanayaashi ku eedeeyey  inay xubno ka tirsan Alshabaab ay gabaad ka siiyeen Xeradda Dhadhaab, waa sida uu hadalka u dhigay, mana uusan soo bandhigin wax caddaymo ah.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamed Saalax waxa uu magacyadda Eedeysanayaasha lagu xiray Xerada Dhadhaab ku kala sheegay:-

  1. Bertie Mohamed Khalif.
  2. Ahmed Abdi Mohamud,
  3. Omar Mohamed Khalif,
  4. Bare Hussein Mahat,
  5. Shamsudin Dubow,
  6. Nasra Abdi Noor iyo
  7. and Anab Mohamed Muhamed.

Eedeysanayaasha oo la hor geeyey Maxkamadda magaalladda Garissa  waxaa Boliska loo oggolaaday inay muddo 10-maalmood sii hayn karan Eedeysanayaasha, si ay u soo dhamaystiraan Baaritaanka Eedeymaha loo haysto Qaxootigaasi.

Dhinaca kale, Xarigooda ayaa yimid dhowr isbuuc kadib, markii ay Boliska xireen 3 qof oo Somali ah oo looga shakisan yahay inay yihiin Mukhalasiin dadka dhoofiya.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Cali Xuseen Cali ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab, Dacish iyo Shabakadda Ma-gefayaasha ee joogta dalka Libya.

 ©Radio Dalsan