Kenya oo ku dhawaaqaday dagaal cusub oo ka dhan ah Al Shabab

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday gelinkii dambe ee shalay howlallo cusub oo ka dhan ah Al Shabab, xili ay shalau werar xoogan ay ku qaadeen ciidamadooda keymaha udhexeeya xadka somaliya iyo Kenya.

Wasiirka ammaanka dalka Kenya Joseph Nkaisserry ayaa yiri “ Xarakada Al Shabab waxaa ay werarada ay nagusoo qaadaan ay kasoo abaabulaan keynta Boni”.

Bishii September ee sanadkii 2013 ayaa waxaa ay Al Shabab ay ku dileen 67 ruux oo ku suganaa suuqa ganacsi ee Westaget.

Dowlada Kenya ayaa waxaa ay dhawaan ay sheegeen in dagaalo ka dhan ah Al Shabab, ay sii xoojin doonaan.

Kenya ayaa waxaa ay kamid tahay ciidamada howgallada AMISOM ee soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor