Kenya oo ka digtay weerar cusub oo ay Alshabaab la beegsadaan Xarumaha W/barashadda ee Nairobi.

Sarkaalka Waaxda Dembi-baarista Boliska Nairobi, Nicholas Kamwende ayaa soo saaray Qoraal uu kaga digayo inay Alshabaab weeraro ka geysan doonaan Xarumaha Waxbarashadda ee Nairobi.

Waxa uu tilmaamay inay Haween ka tirsan Alshabaab oo haatan ku sugan Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi fulin doonaan Weerarkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna xusay in Weerarka ay qorsheynayaan Alshabaab la mid yahay  Weerarkii ka dhacay Jaamacadda Garissa, laguna dilay in ka badan 140-Arday.

Qoraalka Digniinta ee uu ku saxiixnaa Sarkaalka Waaxda Dembi-baarista Boliska Nairobi, Nicholas Kamwende oo dhex waregysa Warbaahinadda Bulshadda waxaa kaloo lagu xusay in Qorshaha Weerarka Nairobi lagu diyaarinayo magaalladda Mandera iyo in taageeradda dhinaca Loojistikada loo soo diri doono Nairobi, ka hor dhamaadka bishan January.

Qoraalkaasi oo loogu magac daray “Warbixinta Xaalladda”, kuna taariikheysnayd shalay oo taariikhdu ahayd bishan January 27-dii ayaa lagu soo beegay Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab  shalay ku qabsadeen Xeradda Askarta Kenya ku lahaayeen Degaanka Kul-biyow oo 18-KM u jirta xuduudka Somalia la wadaagto Kenya.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay sheegeen inay weerarkaasi ku dileen 50-Askari oo Kenyan ah, kuna qabsadeen hub iyo Tekniko.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya,  Kolonel Paul Njuguna  ayaa sheegtay in 9 Askari looga dilay Duullaankaasi,  wuxuuna beeniyey wararka madaxa bannaan ee lagu shaaciyey khasaaraha ay Kenya kala kulmeen weerarkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media