Kenya oo ka digtay Weeraaro ay Alshabaab maalmaha Ciidda ka geystaan W/bari ee dalkaasi.

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Kenya waxay sheegeen inay adkeeyeen Ammaanka qeybo ka mid ah Goballadda Xeebta iyo W/bari, kana digay inay Alshabaab qorsheynaayaan  weeraro ka geysteen Goballadaasi maalmaha Ciiddul-Fitriga ee foodda nagu soo hayso.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay Idaacadda Capital FM ee Nairobi ayaa sheegay inay Ciiddamo dheeraad ah loo daabulay Dhul-kaymeedka Boni Forest iyo inta u dhexeysa Deegaanadda Witu iyo Mpeketoni oo laga cabsi qabo inay Alshabaab weerar ka geystaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Charles Owino waxa uu tilmaamay inay dadka Deegaanka u sheegeen inay Dagaalyahano Alshabaab ku sugan yihiin Kaymaha Boni Forest, Tana Delta iyo W/bari ee dalkaasi, wuxuuna carabaabay Saraakiisha hoggaaminaysa Dagaalamayaasha Alshabaabka ku sugan Kaymaha Boni ee u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegaan inay difaac kaga jiraan weeraro Alshabaab oo ku soo fool leh qeybo ka tirsan dalkooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media