Kenya oo ka codsatay Maamulka Buulo-xaawo inay ka hortagaan Alshabaabka ka soo gudba xuduudka.

Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa sheegay inay Kulamo dhinaca Ammaanka la leeyihiin Madaxda Somalia iyo in Baro Kontorool oo laga galo, lagana soo baxo ka sameeyaan Xudduuka labada dal.

Kenya ayaa doonaysa inay Xuduudka Somalia ka dhistaan Xayndaab gidaar dhererkiisu dhan yahay 700 KM, kaasi oo ay sheegeen inay kaga hortagayaan weeraradda ay Alshabaab ka soo qaadaan xuduudka labada dal.

Taliyaha Boliska Mandera, Fedrick Shisia ayaa sheegay inay labada Dowladood isku waafaqeen inay isla wadaagaan Wararka ku aadan La-dagaalanka Argagixisadda iyo in dadaal loo galo sidii Nabad loogu soo celin lahaa Xuduudka labada Waddan.

“Eedeysanayaasha lagu xiro labada dal waxaa lagu wareejin doona dalka ay asal ahaan ka soo jeedaan si loogu soo maxkamadeeyo” ayuu yiri Fedrick Shisia oo Suxufiyiinta kula hadlay Degmadda Mandera oo ku taalla Xuduudka.

Waxa uu sheegay inay Hay’addaha Ammaanka Mandera ku tuhunsan yihiin dhigooda Somalia inay kala shaqeeyaan Alshabaab daabulista sahayda cuntadooda, inkastoo ay Madaxda Somalia beeniyaan arrintaasi.

Bilowgii bishii Janaayo ee sannadkan, Labo gawaarida Xamuulka ee Hay’adda WFP ayey Boliska Mandera qabteen, kadib, markii ay ka shakiyeen inay Gaadiidkaasi cunto u daabulayeen Alshabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Gobalka Gedo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor