Kenya oo Israel ka codsatay inay ka taageeraan La-dagaalanka Alshabaab.

Kenya iyo Israel ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan La-dagaalanka Alshabaab, kadib, markii uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta isbuucii hore booqday dalkaasi.

Ilo Diplomaasiyadeed oo ku sugan magaalladda Nairobi ayaa u sheegay Wargeyska The East Africa in Madaxda Kenya iyo Israel isla eegeen qaabka ay Israel uga taageeri lahaayeen Kenya La-dagaalanka Alshabaab, oo iyagu dhowr weerar ka geystay gudaha dalka Kenya.

Wargeyska The East Africa waxa uu qoray inay Israel horey uga qeyb galeen Hawlgalo ka dhan ah Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ee Gobalka, tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxyaddii lala beegsaday  Hotelka Paradise oo ku yaalla magaalladda Mombasa ee sannadkii 2002-dii.

Ku-xigeenka Danjiraha Israel u jooga Kenya, Nadav Peldman ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay taageeraan Kenya iyo dalalkakale ee ka codsaday in laga taageero Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor