Kenya oo fasaxday Gaadiidkii u rarnaa WFP ee ay horey u sheegeen in Alshabaab loo waday.

Hadal ka soO baxay Hay’adda QM ee Barnaamijka Cuntadda Adduunka ee WFP ayaa lagu sheegay inay Maamulayaasha Kenya oggolaadeen in Gaadiidkii Xamuulka ee u rarnaa WFP ka gudbaan Xuduudka Somali, kadib, markii ay Boliska Mandera xayireen gaadiidkaasi oo ay ku eedeeyeen inay Alshabaab u gudbinayaan Shixnadaha Raashinka Mucaawanadda.

Afhayeenad-gobaleedka WFP u joogta magaalladda Nairobi, Challiss McDonough ayaa u sheegtay Wargeyska The Nation in la sii daayey Gaadiidkaasi, lana xaliyey Isfaham la’aantII u dhexeysa Dowladda Kenya iyo Hay’adda WFP.

Afhayeenadda waxay tilmaamtay inay Gaadiidkaasi kaalmo cunto ah u wadaan Degmadda Doolow oo ay gacanta ku hayaan Ciiddanka AMISOM, waxayna xustay inay Ilaalo u joogaan halkaasi si ay u hubiyaan inaan Gargaarkaasi loo weecanin Alshabaab.

Dhinaca kale, Hay’adda WFP waxaa sannadkii 2010-kii laga mamnuucay inay ka hawlgalaan Deegaanadda ay Alshabaab ka maamulaan Goballadda Somalia, kadib, markii lagu eedeeyey WFP inay bixin waayeen canshuur dhan 20,000 oo Dollar iyo inay Haweenka shaqaalaysiiyaan

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor