Kenya oo faahfaahin ka bixisay Sarkaal Millateri oo looga dilay Qarax

Milliteriga dalkaasi ayaa xaqiijiyey in qarax miino lala beegsaday Gaari Gaashaman oo ay la socdeen Askar Kenyan, waxaana halkaasi ku geeriyooday hal Sarkaal, halka tiro aan la aqoonin ku dhaawacmeen.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa xaqiijiyey inuu qaraxaasi ka dhacay Deegaanka Damasa ee ka tirsan Degmadda Lafey.

Waxa uu intaasi ku daray in Gaariga uu qaraxu haleelay, xilli ay ilaalo ku marayeen Xayndaabka Derbiga ee ay Dowladda Kenya ka dhisayso xuduudka Somalia.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari ee Kenya, waxa uu sheegay in ciiddamo dheeraad ah loo diray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jirto cid loo soo xiray Qaraxaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa inta badan ka hawlgala Deegaanada ku teedsan Xuduudka, halkaasi oo ay weeraro iyo qaraxyo la eegtaan Gaadiidka Milliteriga Kenya  ee  ku safra Xuduudka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media