Kenya oo beenisay inay Dagaalamayaasha Alshabaab lacago canshuur ah ka qaadeen dadka ku nool Degmadda Isiyoolo

Madaxa Ammaanka ee Degmadda Isiyoolo, Wanyama Musiyambi ayaa beeniyey inay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab lacago ka qaadeen Dareewalladda gaadiidka isaga kala goosha Deegaanadda Garba Tulla iyo Modogashe oo ka tirsan Degmadda Isiyoolo.

Waxa uu intaasi ku daray inay jireen kooxo hubeysan oo hadafkooda ahaa inay beegsadaan gaadiidka Qaadka ee isaga kala gudba Gobalka W/bari Kenya iyo xuduudka Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay dileen labo qof oo gaadiidka lacago kaga qaadanaysay duleedka Isiyoolo.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan kala caddayn  ragga la dilay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo in kale.

Bishan June 1-dii, ayaa la soo weriyey inay Dagaalamayaal Alshabaab ku sugnaayeen Deegaanka Garba Tulla.

Hoggaamiyayaasha iyo dadka deegaanka, waxay sheegeen inay arkeen rag ajnabi ah oo hubeysan oo ku sugnaa Deegaankaasi.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor