Kenya oo abaal-marin lacageed dul-dhigtay Hoggaamiye ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa waxay 2 million oo Kenya Shillings ayey dul-dhigeen, si loo keeno Xog horseedi karta inay Ciiddanka Ammaanka soo qabtaan Hoggamiye ka tirsan Xarakadda Alshabaab oo lagu magacaabo Mohamed Kunow Yusuf, laguna naanayso Abu Ali.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa maanta shaacisay sawirka Hoggaamiyahaasi oo ay ku tilmaameen Nin hubeysan oo khatar ah.

Boliska Kenya waxay sheegeen inay Hoggaamiyayaasha Alshabaab ee ku sugan gudaha Somalia ay u soo direen Mohamed Kunow Yusuf, laguna naanayso Abu Ali, si uu u xoojiyo Unug ka tirsan Dagaalyahanno Alshabaab oo loo yaqaano Shabakadda Mustafa Caato, kuwaasi oo ka hawlgala W/bari Kenya.

Boliska Kenya waxay rumeysan yihiin inay Shabakadda  Mustafa Ato Network  inay ka hawlgalaan Wajeer.

Sannadkii 2012-kii, Mohamed Kunow Yusuf “Abu Ali” waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey weeraro bam-gacmeed oo lala beegsaday Ganacsato aan u dhalanin W/bari Kenya.

Xigasho: The Star

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor