Kenya oo 900 laga dilay tan iyo sanadkii 2000

Sigaal boqol oo qof oo Kenya u dhalatay ayaa waxaa dilay argagixiso tan iyo sanadkii 2000, sida ay sheegtay laanta ladagaallanka argagixsada ee kenya.

Sida uu sheegay agaasimaha laantaasi, inta badan dadkaasi dhintay waxaa dilay kooxda Alshabaab.

16kii sano ee la soo dhaafay, 6200 (lix kun iyo laba boqol) oo qof ayaa lagu dhaawacay weerarada kooxaha loogu yeeray argagixisada ay fuliyeen.

Weerarada kooxahaasi ayaa waxay sare ay u keceen intii u dhexeysay 2013 illaa 2014kii.

Isbuucaan, madaxa militariga Mareyknka ee AFRICOM, waxa uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab aan loogu guuleysan ujeedooyiinkii laga lahaa.

Wuxuuna intaa raaciyay in ciidamada nabad ilaainta ee AMISOM laga “awood badiyay”.

Laakiin Mareykanka ayaa isbuucan laba weerar ka fuliyay Soomaaliya, kuwaas oo lala eegtay xarumo ay Alshabaab ku leeyihiin koofurta Soomaaliya.

Xigasho: BBC Somali

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor