Kenya iyo UNHCR oo ku hawlan sidii Qaxootiga Soomaalida loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaiserry ayaa sheegay inay Dowladda Kenya kala shaqeynayso Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) sidii loo hubin lahaa inay 500,000 oo Qaxooti Soomaali ah looga soo daad-gureyn lahaa Xeradda Qaxootiga ee Garissa.

Wasiirka oo kormeer ku tegay Shanta xero ee Dhadhaab waxa uu sheegay in ay Hoggaamiyayaasha Xeradda kala hadleen Qorshaha Cusub, isla markaana ay soo dhaweeyeen.

Waxa uu tilmaamay inay 45,000 oo Qaxooti Somali ah si iskooda ugu laabteen dalkooda hooyo labadii sanno ee la soo dhaafay.

Dhawaan ayey ahayd, markii ay Dowladda Kenya iyo Safaaradda Somalia ee Nairobi sheegeen inuu qorshahaasi dib u dhacay, sababo la xiriira iyadoo aan weli la helin Kharajkii ay Dowladaha Europe ku yahoobeen Shirkii Brussels, si loogu adeegsado Dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor