Kenya iyo Itoobiya oo ka hadlay qatarta Al Shabab

Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ka wada hadlay arimo la xiriira dagaalka Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

Labada masuul, ayaa waxaa ay si gaar ah kulankooda diirada ugu saareen, Qatar kaga imaan karta Al Shabab, oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Madaxwenye Kenyatta ayaa rajeeyay in ay ku boorinayaa militeriga iyo dadka rayidka intaba, in ay dadaal galiyaan, xasiloonida dalka soomaaliya.

Warbixin amniga la xiiriirta oo loo diyaariya Shirkii Midowga yurub ee magaaladda Brussels, ayaa waxaa lagu sheegay in xubaha geeska Afrika ay waajib ku tahay in ay helaan, hab ay kula dagaalami karaan kooxaha qatarta ku ah Gobolka.

Kenya iyo Itoobiya, waxaa ay ku lug leeyihiin barnaamij lagu dhisayo, wado dhirirkeedu yahay 122Km, taaso isku xireysa  state-yadda Turbi ilaa Moyale iyo wado kale oo 121Km oo ka timaada Merrille ilaa Marsabit taasoo si toos ah isugu xirta Magaalooyinka Mombasa ilaa Addis Ababa.

Dowladaha kenya iyo Itoobiya, ayaa waxaa dhica ugu jiraan dagaalka Al Shabab, waxaana soomaaliya ay ku joogaa Magaca howgalka AMISOM ee Midowga Africa.