Kenya iyo Alshabaab oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Mandera

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab doonayeen inay wada dilaan dadka ku nool Xaafadda Barwaaqo ee Degmadda Mandera.

Isagoo ka hadlayey Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalladda Nairobi ayaa waxa uu sheegay inay Alshabaab doonayeen inay weerarkii xalay ku dilaan 150 qof oo ku noolaa Xafadda Barwaaqo, kuna dhow Suuqa Xoolaha ee Degmadad Mandera.

Waxa uu ku dooday inay Ciiddanka Ammaanka badbaadiyeen 136 qof oo khatar ugu jiray inay Alshabaab waxyeeleeyaan, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya  oo sheegay in weerarkii xalay lagu dilay 14-qof oo 3 ka mid ah ku geeriyoodeen Isbitaalka Dhexe ee Mandera.

Dhinaca kale, Taliyaha Ammaanka ee Mandera, Alex Nkoyo ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha weerareen labo guri oo ay degganaayeen shaqaalaha ka xoogsada Kaawooyinka, kuna dileen 13 shaqaale iyo haweeney.

Wxaa uu Tiradda Dagaalamayaasha Alshabaab ee weerarkaasi geysatay ku sheegay inay ahaayeen 17 dagaalyahan oo ka soo gudubtay xuduudka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii iyo qaraxyaddii xalay ka dhacay Mandera.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor