Joseph Nkaissery: “Haweeneydii maydkeeda laga helay Mandera waxay cunto-kariye u ahayd Alshabaab”

Joseph NkaisserryWasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu gelinkii dambe ee shalay uu la hadlay Saxaafadda, wuxuuna tilmaamay inay Ciiddanka aqoon u lahaayeen Haweeneydaasi maydkeeda laga helay Qabuur-wadareed ku yaalla duleedka Mandera.

“Warbixinta kooban ee aynu hayno ah ayaa ah in Haweeneydaasi oo la oran jirey Isniina Muuse  Shiikh ay Cuntada u karin jirtey Dagaalamayaasha Alshabaabka ku sugnaa Degmadda Buulo-xaawo, ka hor intaysan Ciiddanka Kenya la wareegin Jubbooyinka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, oo intaasi ku daray inay Marxuumadda u soo carartay Mandera oo ay ka bilowday inay furato Dukaan ay ku iibiso shaaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kaloo uu sheegay  Isniina Muuse  Shiikh ka soo jeedo Beesha Raxan-weyn, isla markaana uu ninkeedii hore geeriyooday, balse uu haatan qabay nin ku sugan magaalladda Baydhabo, waa sida uu hadalka u yiri Mas’uulkaasi.

Joseph Nkaissery waxa uu Saxaafadda u sheegay inay suurto-gal tahay inay Alshabaab dileen Haweeneydaasi maydkeeda laga helay Qabuuro ku yaalla duleedka Mandera, balse uu weli socdo baaritaanka waxa sababay geerideeda.

Hadalka Wasiirkaasi ayaa u muuqda mid isku dhex yaacsan, waxa uu mar leeyahay waxay Marxuumadda cunto-kariye u ahayd Alshabaab, marna waxa uu leeyahay dilkeeda baaritaan ayaa ku socda.

Teeda kale, waxa uu sheegay inay dilkeeda ka dambeeyaan Alshabaab iyo Kooxda Daacishta Somalia ee dagaalsan, waa sida uu ku xusay Wareysigiisa.

Ma uusan qirin inay Ciiddanka Ammaanka yihiin kuwii Marxuumadda ka kaxeystay Dukaankeeda (Kiosk) ku yaalla Mandera, kadibna markii dambe la helay maydkeeda oo la silic-dilyeysan.

Allaha U Naxariistee Marxumad Isniina Muuse  Shiikh oo 29-jir ahayd, ifkana kaga tegtay 5 carruur ah  ayaa waxaa maydkeeda laga helay Qabuur-wadareed, iyadoo ay ka muuqdeen dhaawacyo, lafahana laga jebiyey, sida ay sheegeen dadkii arkay maydkeeda oo laga soo saaray Qabuuraha, iyadoo uusan maydkeeda wax Karfan ah lahayn.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya waxa uu ugu baaqay Xildhibaan Senotor Bilow Kerow iyo  Xildhibaanadda ka tirsan Barlamaanka Kenya ee laga soo doorto Mandera inay raalli-gelin ka bixiyaan hadalkii ay ku sheegeen inay Ciiddanka Ammaanka ka dambeeyaan maydadka laga helay hal Qabuur-wadareed oo ku yaalla Tuulladda Omar Jiilow oo 30-Km dhanka Koonfurta kaga toosan Mandera.

Joseph Nkaissery waxa kaloo uu eedeeyey Suxufiyiinta lagu kala magacaabo Yasiin Juma iyo Mohamed Ali oo ka tirsan Telefishino ku yaalla Kenya, kuwaasi oo uu tilmaamay inay Warbixino ku aadan Qabuura-wadareedka laga helay Mandera   ku baahiyeen  Shabakadaha Isku-xirkd Bulshadda ee Social Media.

© Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor