Kenya: Duqeyntii Diyaradaha ay shalay ka geysteen Gobalka Gedo waxay qeyb ka tahay Hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab

Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David  Obonyo ayaa xaqiijiyey inay Diyaaradahooda Dagaalka shalay weerar ka geysteen Tuulladda Dhamase ee Gobalka Gedo, kaasi oo lagu dilay 10 qof oo rayid ahaa.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa waxa uu sheegay inay duqeyntaasi qeyb ka tahay Hawlgalka socda ee lagula dagaalamayo Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

“Duqeymaha Diyaaradaha ma aha mid lagu ciqaabayo dadka rayidka, balse waxay qeyb ka yihiin Hawlgalladda ka dhanka ah Alshabaab” ayuu yiri Afhayeenka Milliteriga Kenya.

Afhayeenka waxa uu sheegay tan iyo markii ay Milliteriga Ethiopia dhawaan soo galeen K/Galbeed Somalia inay  Dagaalyahannada Alshabaab u soo dhaqaaqeen inay farisimo ka dhigtaan  deegaannadda ku dhow xuduudka Kenya.

Kolonel David  Obonyo ma xaqqijinin khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay Diyaaradaha Kenya ka geysteen Tuulladda Dhamase ee Gobalka Gedo.

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya waxay shalay labo weerar ka geysteen Gobalka Gedo, iyadoo 10 qof oo rayid ahaa oo shan ka mid carruur ahaayeen lagu dilay weerar ka dhacay Tuuladda Dhamase.

Xigasho: The Star

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor