Kenya: “Dagaalyahano Ajaaniib ayaa ka mid ah kuwii isku qarxiyey Ceel-cadde”.

 

Taliyaha Milliteriga dalka Kenya, Jeneral Samsom Mwathethe iyo Taliyayaal kale ayaa la sheegay inay baarayaan doorka Ajaaniibta ka tirsan Alshabaab ka qaateen Weerarkii lala beegsaday Askarta Kenya ee Jimcihii hore lagu weeraray Saldhiga Ceel-cadde oo 60-KM dhanka Galbeed kaga toosan magaallo-madaxda Gobalka Gedo ee Garbahaarey.

Saraakiisha Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin  inay Dagaalamayaal u dhashay dalka Syria dejiyeen qorshihii weerarkii Alshabaab Jimcihii hore ku qaadeen Askarta Kenyanka ee  ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde.

Dukumentiyo uu Wargeyska The Standard arkay ayaa muujinayo in haraagga maydadka 10 ilaa 15 dagaalyahan oo laga helay Ceel-cadde aysan asal ahaan Somali ahayn, kuwaasi oo ka mid ahaa Kooxdii isku qarxiyey weerarkii lala beegsaday Saldhigga Ceel-cadde.

Dukumentiga oo loo gudbiyey Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa tilmaamayo inuu Dagaalyahanno Shisheeye oo u badan Jihadistayaal ku soo biireen Alshababa, kuwaasi oo safka hore ka gala sidii loo beegsdan lahaa bartilmaameedyada cayiman.

Si kastaba ha ahaatee ma jiraan Warar Madax-bannaan oo xoojin kara Sheegashadda Saraakiisha Kenya ku sheegeen inay Dagaalyahano Shisheeye ah ku lug lahaayeen Weerarkii Ceel-cadde.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor