Kaymaha Uganda: Halkii ugu horreysay ee laga helay Zika Virus.

Dhulka Kaymaha badan ee Zika Forest waxay ku-dhawaad 25 KM u jirtaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Waa dhul-kaymeed juq oo aad u deggan, waxa keliya ee la maqlayo waa dhawaaqa Kaneecadda, Shanqarta Shimbiraha ee Heesta oo kale iyo Daanyeerada hadba ku boodaya Laamaha Geedaha.

Dhulka Kaymaha ee Zika waxa uu ku fadhiyaa cabir dhuleed dhan 12 Hektar, waxaana ku nool in ka badan 60 nooc oo Kaneeco ah.

Goobtaasi ayaa waxaa la rumeysan yahay inay tahay meeshii ugu horreysay ee laga helay Fayriskaay Kaneecadda fidiso ee Zika Virus, oo la qaado inay carruurta ku dhashaan Madax yar.

Haatan, Dhul-kaymeedka Zika oo aad ugu dhow Jidka weyn ee ka yimaada Garoonka keliya Caalamiga ee Diyaaradaha ee Uganda ee ku yaalla Entebbe oo u dhow caasimadda Kampala ayaa ilaa iyo haatan waxay Dhismo Cilmi-baaris u tahay Machadka Uganda ee Cilmi-baarista Fayriska “The Uganda Virus Research Institue (UVRI).

Waa Hay’ad u qaabilsan Arrimaha Caafimaadka iyo Badbaadinta, waxaana la asaasay sannadkii 1963-dii, waxayna Xarunteeda Dhexe ku taalla ku-dhawaad 15 KM meel u jirta Kaymaha Zika.

Marka aad tagto dhulkaasi waxaad arkaysaa Boor bir ah oo lagu qoray Digniin ku aadan inay meesha tahay Dhulka Machadka Uganda ee Baarista Fayriska iyo inaad u soo gudbin.

Ruth Mirembe oo 24 jir ah oo dhinac deggan Kaymaha ayaa sheegtay inay Fayriska Zika ka baratay Aaladda Facebook. Waxayna tiri: “Kama walaacsani Zika Virus”.

Wasaaradda Caafimaadka dalka Uganda waxay sheegtay inaysan jirin wax kiisaska Zika Virus ah oo la diiwaan geliyey dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa lagu sheegay in Fayriska Zikaha ee laga helay Qaaradda Amerika ahayn mid asal ahaan ka yimid Bariga Afrika

Sanandkii 2007-dii, waxaa cuddur-sidaha Zika laga helay Jesiiradda the Micronesian island of Yap.

Haatan waxa uu cuddurkaasi khatar ku hayaa dadka ku nool dalalka Latin Amerika, haba ugu darnaadaan Brazil oo uu ka dillaacay sannadkii hore ee 2015-kii iyo dalka Columbia oo uu hataan fara baas ku hayo.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka “WHO”, Margaret Chan ayaa sheegtay inuu Fayriskaasi xiriir la leeyahay ilmaha ku dhasha madaxa yar.

Hay’adda WHO, waxaa lagu wadaa inay Kulan Degdeg ah maanta (February 1, 2016) ka yeeshaan sidii looga hortegi lahaa Faafista Zika Virus.

17 Waddan oo ka tirsan Latin Amerika ayaana laga cabsi qabaa inuu ku faafo, iyadoo dalka Brazil ay ku soo badanayaan Ilmaha Maskaxda Yar ee ku dhacay Fayriska Zika.
Ilmo zika virus 3 ZIKA VIRUS child zika virus
child zika virus2

kaneeco zika zika virus2

Waxaa Turjumay Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor