Kawaanley Somali oo shaqada looga joojiyey fasax loo diiday Xilliga Salaadda oo loo gacan-haatinayo

Ku-dhawaad 150 Kawaanley u badan Somali oo dhawaan shaqada looga cayriyey sababo xilliga Salaadda ayaa la sheegay inay mar kale ku soo laaban karaan Shaqadaasi.

Shirkadda Hilibka ee Cargil Meat Solution oo ku taalla magaalladda Fort Morgan ee Gobalka Kolaraado ee Maraykanka ayaa sheegay inay wax ka bedeleen Siyaasadooda ku aadan dib-u-shaqaalaynta Shaqaalaha laga cayriyo Hawsha Shirkadda.

Hadal ka soo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay in Sharcigii Shaqaalaha ee dib-u-hawlgelinta kuwa laga cayriyo shaqada lagu soo koobay 30 maaqlmood, halkii ay horey ka ahayd 180-maalmood.

Shirkadda Hilibka ee Cargil Meat Solution ma ballanqaadin inay dib u qaadan doonto Shaqaalahii shaqaqda kaga tegay muranka dhinaca Xilliga loo fasaxayo Tukashada Salaadda.

Bishii December 18-dii ee sannadkii hore, ku-dhawaad 180 Shaqaale Somali ah ayaa ka tegay shaqada shirkadaasi, kadib, markii uu Isfahan-waa’ ka dhashay Amarka Maamulka Shirkadda ee ku aadan Xilliyadda ay Shaqaalaha  tukadaan Salaaddaha.

Shirkadda Hilibka ee Cargil Meat Solution wey beeniyeen inay beddeleen Siyaasdooda ku aadanaa fasaxa Xilliyadda Salaadda ee la siin jirey Shaqaaalaha Muslimiinta ee u shaqeeya Shirkaddaasi.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor