Kaniisad laga Hirgeliyay Magaalada Hargeysa Soomaaliland

Mudo laga joogo 30 Sano kadib waxaa Magaalada Haregysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland laga furay Kaniisad ay ku Cibaadeysan doonaan dadka heesta diinta Kirishtaanka eek u nool deegaanada Soomaaliland.

Dib u furista Kaniisad ayaa waxaa doorweyn ku lahaa HAWENEY Kirishtaan ah oo lagu magacaabo Maria Vechhinno taas oo ka Shaqeeysa Isbitaal ku dhgexyaala Jaamacad ku taala Magaalada Hargeysa.

Maria Vechhinno oo khubad ka jeedineysay Munaasabad looga hadlayay mutadacninada ayaa waxa ay sheegtay in ujeedooyinkii ay u timid Hargeysa ay ka mid aheyd furitaanka Kaniisadan islamarkana ay ku guuleysatay.

Shacabka iyo Culumada Magaalada Hargeysa ayaa 24,kii Saac ee la soo dhaafay waxa ay hadalhayaan Kaniisadaan laga furay Magaalada Hargeysa,waxana lagu wadaa in Maalinta Jimcaha ah ee soo socota Salaada Jimcaha Masaajida Hargeysa looga hadlo arinta ku aadan furitaanka Kaniisada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media