Kaniisad ku taalla Kenya oo laga helay waxyaabaha qarxa.

Khubarada kala furfurta miinooyinka oo ka kala yimid Degmooyinka Nyeri iyo Embu ayaa waxay qarxiyeen miino laga dhex helay Kaniisad ku taalla Degmadda Kirinyada.

Kaniisadaasi waxaa adeegsadaa Dadka aaminsan Katoolikadda oo maanta isku-soo-bax ku qabay.

 

bam 1Dadkii ayaa laga wada saaray Kaniisadda marka la shaaciyey inuu Bam dhex yaallo Kaniisadda.

Wargeyska The Daily Nation ayaa qoray in ay miinada arkeen labo nin oo midkood ahaa Sarkaal ka tirsan Maamulka Boliska, kuwaasi oo ku dhex sugnaa Kaniisadda.

Madaxa Urur ay leeyihiin dadka aaminsan Katoolikada, Paul Njeru ayaa sheegay inay u muuqato in ay kooxo aan la aqoonin ay qaraxaasi waaberigii hore ee saakayto dhigeen Kaniisadda.

Ma cadda cidda ka dambeysay falkaasi, inkastoo ay Boliska Kenya ka digeen inay Alshabaab qaraxyo geysan doonaan marka loo dabaal-degayo sannadka cusub ee Miilaadiyadda ee 2016-ka.

bam  000

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor