Kanada oo lagu xiray Nin Somali oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa falal burcadnimo hubeysan.

 


Salah Mohamed oo 22-jir ah ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda, kadib, markii ay Boliska Kanada soo qabteen xilli uu hubeysnaa.

Eedeysanaha oo deggan magaalladda Surey ee dalkaasi ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Koox burcad ah oo dhawaan isku rasaasaysay magaalladaasi.

Saddex Alifle Paul Hayes ayaa sheegay inay  Eedeysanaha soo qabteen isagoo shil gaari galay, kadibna waxay gaarigiisa ka heleen haaweeney Soomaali oo sheegtay inuu soo afduubtay iyo qori AK 47 oo cabaysan, Bistoolad iyo cadad badan oo Mukhaadaraadka Koka’iinka iyo Herowiin.

Salah Mohamed waxaa lagu soo oogay 15 fal-dembiyeed oo ay ku jiraan inuu Boliska cabsi geliyey, inuu haystay hub sharci-darro iyo Mukhaadaraad iyo inuu khatar ku yahay Bulshadda.

Eedeysanaha ayaa waxay boliska sheegeen inuu ka mid ahaa Koox Soomaali hubeysan oo ka ganacsata Daroogada, kuwaasi oo uu dhawaan dagaal dhex maray.

Dhinaca kale, Boliska waxay abaal-marin lacageed oo dhan 5,000 oo Dollar dul-dhigeen Eedeysane kale oo la baadi-goobayo.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor