Kanada oo lagu maxkamadeynayo Muwaadin Somali oo horey u dilay nin kale oo Somali ah

Maxkamadda magaalladda Edmonton ee dalka Kanada waxaa lagu wadaa in la soo taago Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Arab Mursal Sugule, kaasi oo lagu eedeynayo inuu Marxuum la oran jirey Ahmed Ismail Sheikh dilay bishii July 15-dii ee sannadkii 2011-kii.

Eedeysanaha oo 26-jir ah ayaa waxa uu dalka Kanada la yimid qoyskiisa isagoo 6 jir ah, waxaana uu Familkiisa la degganaa maagalladda Toronto, wuxuuna magaalladda  Edmonton u soo wareegay sannaadkii 2007-dii oo uu dilku ku geystay.

Gacn-ku-dhiiglaha iyo Marxuumka ayaa la sheegay inayu saaxiibo ahaayeen, ka hor intuusan Gacan-ku-dhiiglaha tooreey la dhicin Marxuumka oo ugu dambeyntii u geeriyooday dhiig-bax dhinaca Laabta laga dooxay.

Si kastaba ha ahaatee, Falkaasi ayaa ahaa kii 29-aad oo ay Soomaalida ku nool magaalladda Edmonton ee dalka Kanada isku dilaan taan iyo sannaadkii 2011-kii.

Xigasho:-  Edmonton  Journal

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor